Congres-ka FIFA oo lagu go’aamin doono marti gallinta koobka adduunka 2026…. (Soomaaliya oo door ka ciyaaraysa )

(Moscow) 10 Juunyo 2018. Dalka Ruushka ayaa lagu wadaa in 13-ka bishaan uu ka dhaco Congres-ka FIFA,waxaana doorku ugu wayn uu yahay  codaynta wadamada lagu marti galinayo koobka adduunka 2026-ka.

Waqooyiga Ameerika oo ka kooban  U.S.A, Canada iyo Mexico oo hal dhinac ah   iyo Morocco ayaa ah kuwa  u sharaxan,waxaana durba dhowr wadan ay cadeeyeen codkooda.

157 dal oo uu wadankeena Soomaaliya  qayb ka yahay ayaana cadayn codkooda, waxaana xusid mudan in wadamo badan ay dhex dhexaad ka yihiin iyagoo eegaya xiriirkooda iyo siyaasad ahaan oo aan wanaagsaneen in xogtaada la sii ogaado.

Sidoo kale wadamada aan sheegin cida ay u codeynayaan laakin loo badinayo dhinaca Morooco in ay u janjeeraan waxaa ka mida. Botswana, Dominica,Nigeria, South Africa , Tunisia, iyo Uganda.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab ayaa ku sugan Ruushka si ay ugu qayb qaataan Congres-ka FIFA iyo sidoo kale furitaanka koobka adduunka.

Sanadka 2022-ka ayaa koobka adduunka lagu marti gallin doonaa Qatar,halka 2026 midkood uu noqon doono Waqooyiga Ameerika iyo Morocco.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close