Bar-tilmaameedka Barcelona Miralem Pjanić oo qarka u saaran in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Juventus

(Juventus) 10 Juunyo 2018. Sida ay shaacisay saxaafada dalka Spain in bar-tilmaameedka kooxda Barcelona ee reer Bosnia Miralem Pjanić ee suuqan xagaaga uu kusii dhawaanayo inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Juventus xiliyada dhow ee soo aadan.

Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu xaqiijiyay in maamulka kooxda Juventus ay doonayaan in ay wanaajiyaan heshiiska Pjanić oo haatan da’adiisu gaarsiisan tahay 28 jir.

Go’aankan kasoo yeeray maamulka reer Talyaani ayaa wuxuu imaanayaa kadib isku dayo ka yimid dhanka kooxda Barcelona ay ku doonayaan in ay kula saxiixdaan Miralem Pjanić.

Saraakiisha kooxda Bianconeri ayaa waxay doonayaan in ay ilaashadaan labadooda xidig ee Miralem Pjanić iyo Paulo Dybala, sababa la xiriira in ay yihiin mustaqbalka kooxda.

Juventus ayaa dooneysa in Miralem Pjanić ay ka saxiixato heshiis gaarsiisan laba xili ciyaareed kale uu kusii sugnaan doono Allianz Stadium.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close