Julen Lopetegui oo weyn doona adeega Dani Carvajal kulanka Portugal ee koobka aduunka

(Spain) 09 Juunyo 2018. Sida laga soo xigtay wargeyska “AS” Dani Carvajal ayaa u muuqda midaan ka qeyb gali doonin kulanka uu xulka qaranka Spain kaga daah furan doono koobka aduunka 2018 dhigiisa Portugal

Sida laga soo xigtay ilo xiriirka kubada cagta Spain, ma ahan mid aan suurtogal aheyn in Carvajal uu ciyaaro kulanka ugu horeya ay la ciyaari doonaan Portugal, xitaa hadii uu ku soo kabsaday waqtigiisii, uma fiicna inuu diyaar u noqdo.

Sidoo kale xitaa waxaa jira shaki ku aadan in Dani Carvajal uu qeyb ka noqon doono kulanka Iran ay la ciyaari doonaan 20-ka Juun.

Difaaca reer Spain ee Dani Carvajal ayaa la xaqiijinayaa inuu ciyaari karo kulanka lugta saddexaad ee ugu dambeeyay heerka group-yada ay kula ciyaari doonaan Morocco.

Julen Lopetegui oo ka hadlayay dhaawaca Dani Carvajal ayaa wuxuu yiri: “Waa inaan ilaalino, waan hubaa inuu imaan doono, balse ma hubo inuu ciyaari karo kulanka koowaad ama kan labaad, balse wuu nala joogi doonaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close