Halkee ayuu uga haboon yahay Nabil Fekir shaxda kooxda Liverpool?

(Liverpool) 09 Juunyo 2018 Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa kubadd abuuraha kooxda Lyon ee Nabil Fekir.

Inkasta oo mugdi uu soo kala dhex galay kooxaha Liverpool iyo Lyon ayaa hadana la soo sheegayaa in laacibku uu ku biirayo Liverpool ka hor inta uusan bilaaban koobka adduunka.

Shalay ayaa la baahiyay in Liverpool ay u sii diyaarisay Nabil Fekir lambarkii uu ka tagay Coutinho ee “10” kaas oo uu u xiran doono kooxda marka uu ku soo biiro.

Nabil Fekir ayaa ka ciyaaraya booska “10” ee kubadd sharaxaaga, waxaana gadaashiisa taagan Fabinho iyo Naby Keita oo labaduba xaggaagan ku soo biiray Liverpool.

Waxaana ka horeeya weerarka halista ah ee Salah, Firmino iyo Mane oo iyaguna wacdaro dhigay xiliciyaareedkii dhamaaday.

Shaxdaan ayaa lagu qiyaasayaa tii Liverpool ay ku qaadi lahayd Premier League xiliciyaareedka cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close