“Guardiola waa tababare aan lahayn dareen bini aadanimo”!

(Dortmund) 09 Juunyo 2018 Kubadd abuuraha kooxda Borussia Dortmund ee Mario Gotze ayaa ka hadlay qaabkii uu ugu fashilmay Bayern Munich waqtigii Pep Guardiola.

Mario Gotze ayaa si aan ganbasho lahayn u sheegay in tababare Guardiola uu yahay kaliya tababare xooga saara gudaha garoonka.

Wuxuuna ku eedeeyay inuu yahay tababare aan lahayn dareen bini aadanimo maadaama uusan laacibka la qaybsan dhibaatada ku qabsata banaanka garoonka.

“Pep Guardiola dhanka tababarka waa mid kamid ah tababareyaasha ugu fiican, laakiin waxaa igu jiray dareen ah inuu ka fikiro kaliya gudaha garoonka, ma ahan mid si wayn kula qaybsanaya dareenkaaga” ayuu yiri Mario Gotze.

“Arinku ma ahayn mid ii fudud waayo waxaan ka imid Klopp oo iila ekaa aabaha kubadda cagta, Pep wax badan ayuu ka badalan yahay Klopp”.

“Tababaraha herka caalami ah wuxuu u baahan yahay dareen bini aadanimo, qof walba oo ku lug leh kubadda cagta waa bini aadam, waxaana haboon ka tababare ahaan inuu isku darsado labadaas sifo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close