Didier Deschamps oo xiiseenaya inuu kala ogaado mustaqbalka Griezmann iyo Thomas Lemar kahor khamiista soo aadan

(France) 09 Juunyo 2018. Sida ay baahiyeen saxaafada dalka Spain macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa wuxuu doonayaa in uu go’aamiyo mustaqbalka Antoine Griezmann ee kooxda Atletico Madrid ka hor Koobka Aduunka ee furmi doono khamiista soo aadan.

Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu sheegay in Didier Deschamps uu doonayo inuu ka fogaado dhibaato kasta inta lagu gudi jiro koobka aduunka, gaar ahaan xidigaha Antoine Griezmann iyo Thomas Lemar, kuwaasoo xiliyadii lasoo dhaafay la shaki galinayay mustaqbalkooda.

Deschamps ayaa ka doonaya daganaansho gudaha xerada tababarka Faransiiska, iyadoo uu doonayo in xidigaha Griezmann iyo Thomas Lemar ay go’aamiyaan mustaqbalkoda kadib kulanka saaxiibtinimo ee Mareykanka.

Xidigaha Griezmann iyo Thomas Lemar ayaa la filayaa in xiliyada soo aadan gaar ahaan kahor koobka aduunka ay kala cadeyn doonaan sida ay ka yeeli lahaayeen mustaqbalkooda si ay daganaan ay kaga qeyb galaan koobka aduunka ee furmi doono khamiista soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close