Didier Deschamps oo digniin u diray Pogba ka hor koobka adduunka

(Paris) 09 Juunyo 2018 Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa digniin u diray xiddigiisa Paul Pogba ka hor inta uusan bilaaban koobka adduunka.

Pogba ayaa sheegay inuu leeyahay qaab ciyaareed isaga u gaar ah, wuxuuna intaa ku daray inuu kubadda u ciyaaro sida uu isagu jecel yahay kadib markii uu eedeyn badan la kulmay mudooyinkii u danbeeyay.

Image result for didier deschamps Pogba

Arinkaas waxaa ka hadlay tababare Didier Deschamps kaas oo u sheegay Pogba in wax walba uusan kaligiis samayn karin, wuxuuna si cad u bidhaamiyay inuusan sifiican u ciyaarin kulankii saaxiibtinimo ee France ay 3-1 uga adkaatay Italy.

“Pogba wax walba oo isaga gaar u ah sidii rabo ayuu u samaysan karaa, laakiin wax walba kaligiisa kama qaban karo xulka” ayuu yiri Didier Deschamps.

“Qaab ciyaareed fiican ma uusan soo bandhigin kulankii talyaaniga, taasina wax cad ayeey ahayd, arinkaas waan kala hadlay, haatana dhib ma yaalo dhexdeena”.

Warka tababare Didier Deschamps ayaa u muuqda mid uu ugu sheegayo Pogba inuu ilaashado booskiisa xulka ka hor inta uusan bilaaban koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close