Carlo Ancelotti oo bar-tilmaameed ka dhiganaya xidiga kooxda Bayern Munich Sebastian Rudy

(Napoli) 09 Juunyo 2018. Carlo Ancelotti ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo xidig ka tirsan kooxda Bayern Munich inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Shabakada “Sky Sports” ayaa shaacisay in tababarihii hore ee kooxda Bayern Munich ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo Sebastian Rudy, oo khadka dhexe ka ciyaara Bavarian,

Ancelotti ayaa laga ceyriyay Bayern Munich bilowgii xilli ciyaareedkii hore, isagoo haatan loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda reer talyaani ee Napoli

Kooxo fara badan ayaa waxay raacdo ugu jireen dhawaan saxiixa xidiga kooxda Bayern Munich Sebastian Rudy, gaar ahaan kooxaha Schalke iyo Stuttgart oo ka tirsan Bundesliga.

Sebastian Rudy ayaa 35 kulan u saftay kooxda Bayern Munich xilli ciyaareedkan dhamaan tartamada kala duwan, isagoo dhaliyay hal gool sidoo kale caawiyay 5 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close