Barcelona oo go’aamisay qiimaha ay kaga iibineyso Jasper Cillessen kooxaha xiiseenaya

(Barcelona) 09 Juunyo 2018. Barcelona ayaan qarka u saaraneyn inay iibiso goolhayaha reer Holand Jasper Cillessen, gaar ahaan hadii dalab weyn aan la diidi Karin ku hesho.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda reer Catalonia aysan dooneynin inay iska iibiso Jasper Cillessen, balse wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in hadii ay ku helesyo qiimo macquul ah aan la diidi Karin ay iska iibineyso.

Jasper Cillessen ayaa heshiiskiisa haatan uu ku joogo kooxda Barcelona lagu kansali karaa aduun dhan 60 million euros, hadii ay jirto koox daneeneysa inay la wareegto saxiixa laacibkan.

Goolhaayahan xulka qaranka Holand ayaa ku yiid kooxda Barcelona aduun dhan 13 million euros xagaagii 2016, wuxuuna kaga soo dhaqaaqay kooxda Ajax, inkastoo uusan ciyaarin kulamo badan, waxaana doonaya kooxo badan ee Yurub ah

Liverpool, Bayern Munich, Paris Saint-Germain, Arsenal iyo Napoli ayaa dhamaantood wada doonaya inay helaan saxiixa Jasper Cillessen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close