Vicente del Bosque oo ka hadlay dhibaatada Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 09 Juunyo 2018. Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Vicente del Bosque ayaa ka hadlay xaalada adage e Cristiano Ronaldo ee kooxda. Los Blancos.

Vicente del Bosque ayaa wuxuu sheegay in Cristiano Ronaldo uusan ka dhaqaaqi doonin derbiyada Santiago Bernabeu xili ciyaareedka soo aadan.

Halyayga reer Spain ayaa yiri: “Waxaan heystaa ra’ayi, waana sii heysan doonaa”.

“Ciyaartoydan waxay tusaale u yihiin caruurta, waxay isku dayayaan inay ku daydaan, iyagoo eeganaya dhaqankooda”.

“Ma aqaano haddii uu joogayo ama uu baxayo, inkastoo ay taasi jirto, waxaan qabaa in Ronaldo uu sii joogi doono Real Madrid”.

Del Bosque ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo is casilaadia macalinkii hore kooxda  Real Madrid ee Zinedine Zidane iyo in Guti uu noqon doono badalkiisa xili ciyareedka soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close