Real Madrid oo niyad jab ku riday Manchester United sababa la xiriira qiimaha Gareth Bale

(Real Madrid) 08 Juunyo 2018. Real Madrid  ayaa go’aamisay qiimaha ay ku fasaxeyso Gareth Bale, kadib marka ay xiiso ka muujisay saxiixiisa kooxda reer England ee Manchester United.

Gareth Bale ayaa lala xiriirinayaa u dhaqaaqista kooxda reer England ee Red Devils, tan iyo markii shakiga xoogan galiyay mustaqbalkiisa Los Blancos finalkii dhawaa ee Champions League.

Shabakada Sky Sports ee dalka England  ayaa sheegtay in Real Madrid ay go’aamisay qiimaha ay ku fasixi doonto Gareth Bale, waxayna dul dhigtay aduun dhan 222 milyan euros.

Manchester United ayaa niyad jab xoogan ku noqon doonta qiima lacageedka kasoo yeeray saraakiisha kooxda reer Spain ee Real Madtid, balse Red Devils ayaala fahansan yahay sida ay u daneeneyso saxiixa xidigan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close