“Real Madrid ma bixin doonto 400 milyan euro si ay ula soo saxiixato Neymar Jr” sidaas waxaa yiri Javier Tebas

(La Liga) 08 Juunyo 2018. Real Madrid ayaan bixin doonin 400 milyan euro si ay ula soo saxiixato xiddiga reer Brazil Neymar da Silva suuqa kala iibsiga ee xagaaga, sidaasi waxaa yiri madaxweynaha horyaalka La Liga ee dalka Spain Javier Tebas.

Hadalka kasoo yeeray madaxweynaha horyaalka La Liga ee dalka Spain Javier Tebas ayaa wuxuu imaanayaa xili uu wareysi siinayay Europa Press ee dalka Spain.

Javier Tebas ayaa wuxuu sheegay in magaca horyaalka La Liga ee dalka Spain uu ka sareeyo ciyaartoyda waa weyn sida Cristiano Ronaldo ama Lionel Messi oo kale.

“Ma dhaleeceenayo siyaasada suuqa ee Paris Saint Germain, ama qaabka ay ula saxiixatay Neymar Jr, balse waxaan dhaleeceeyay qiimaha heshiiska laacibkan”.

“Lacagta ay Paris Saint-Germain kula wareegtay Neymar, ma aysan ka imaanin Paris Saint-Germain ama ilo gaar ah, balse waxay ka tiid amiirka Qatar waa madaxweynaha kooxda, kaasoo bixinaya malaayiin”.

madaxweynaha horyaalka La Liga ee dalka Spain Javier Tebas yaa wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Real Madrid ma bixin doonto 400 milyan oo euro si ay u hesho Neymar”.

si kastaba kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa si xoogan u daneeneysa saxiixa Neymar Jr waxayna dooneysaa in xili ciyaareedka soo aadan uu qeyb ka noqdo qorshaheeda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close