RASMI: Liverpool oo shaacisay inay kooxda ka fasaxeyso Emre Can

(Liverpool) 08 Juunyo 2018. Liverpool ayaa ku dhawaaqday inay kooxda ka dreyso suuqan xagaaga laba xidig ka tirsan safka kooxdeeda, kadib marka uu soo idlaaday heshiiskooda Reds, kadib markii ay labada dhinac ku guuldareesteen in wax heshiis ah ay wada gaaraan.

Website-ka rasmiga ah ee kooxda Liverpool ayaa lagu shaaciyay: “Kooxdu waxay xaqiijin kartaa in Emre Can iyo Jon Flanagan ay ka tagi doonaan Liverpool ka dib dhamaadka qandaraaskooda xagaaga”.

“Kooxda waxay soo saartay liiska ciyaartoyda ay sii heysan doonto kadib dhamaadka xili ciyaareedkii 2017/2018”.

Emre Can ayaa yimid kooxda reer England ee Liverpool sanadii 2014, wuxuuna kaga soo biiray kooxda Bayer Leverkusen, isagoo u saftay Reds 167 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close