RASMI: Juventus oo ku dhawaaqday saxiixa goolhaaye Mattia Perin

(Juventus) 08 Juunyo 2018. Kooxda kubada cagta ee Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay maanta oo jimco ah in ay Genoa kala soo saxiixatay goolhaaye Mattia Perin aduun dhan 12 milyan euro.

25 jirkan ayaa wuxuu qalinka ugu duugay Juventus heshiis gaarsiisan ilaa iyo 2022, Bianconeri ayaan wax faahfaahin gaar ah ka bixinin qiimaha ay kula soo saxiixatay ciyaaryahankan.

Mattia Perin ayaa 5-tii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay xirnaa laamiyada kooxda Genoa, xili uu sidoo kale 2 kulan kasoo muuqday xulka koowaad ee qaranka Italy.

Juventus ayaa dooneysa in Mattia Perin ay ka dhigato badalka Gianluigi Buffon oo dhamaadka xili ciyaareedkii dhawaa ee 2017/2018 isaga dhaqaaqay kooxda Bianconeri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close