Lionel Messi oo ka warbixiyay siddeed xidig ee bandhig fiican ka sameyn karta koobka aduunka

(Argantina) 08 Juunyo 2018. Lionel Messi ayaa ka warbixiyay liis ka kooban siddeed xidig la filayo in bandhig cajiib ah ay ka sameyn karaan koobka aduunka 2018 ka furmi doona khamiista soo aadan dalka Russia.

wargeyska “El Mundo Deportivo” ayaa su’aalay Messi rajadiisa ku aadan koobka aduunka wuxuuna ka soo xushay liiska 8 xidig  ka tirsan xulalka qeybta ka ah koobka aduunka sanadan.

Laakiin kabtanka xulka qaranka Argantina ayaan liiskan kusoo darin isaga iyo xidiga ay kubada cagta ku xilfaltameen muddada 10-kii sano lasoo dhaafay ee Cristiano Ronaldo.

“Brazil waxa ay heysataa Neymar iyo Philippe Coutinho, Spain waxay heysataa Andres Iniesta iyo David Silva, Germany ma jiro xidig gaar ah, waa xul adag”.

“Belgium waxaa ku jira Eden Hazard iyo Kevin De Bruyne, xulka France wuxuu heystaa Antoine Griezmann iyo Kylian Mbappé”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close