Juventus oo ku dhow inay dhameystirto heshiiska ay ku dooneyso João Cancelo

(Juventus) 08 Juunyo 2018. Saxaafada Spain ayaa xaqiijisay in daafaca dambeedka midig ee reer Portugal ee João Cancelo uu ku dhow yahay inuu ku laabto horyaalka Talyaaniga, lakiin markan si uu xirto maalyada kooxda Juventus.

Wargeyska Super oo ka mid ah kuwa kasoo baxa dalka Spain ayaa wuxuu maanta sheegay in kooxda Juventus ay dhameystirtay wax walba ee ku saabsan heshiiska uu João Cancelo ku imaanayo mgaalada Torino.

Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa waxay xiriir toos ah la sameesay dhigeeda Valencia si ay u wada gaaraan heshiis kama dambeys ah, dalabka ugu horeeya ayaa ah qaab amaah ah iyadoo hadii uu anfaco heshiiska lagu dhameystiri doono aduun dhan 32 milyan euro.

João Cancelo ayaa ku soo laaban kara horyaalka Serie A ee dalka Talayaaniga ka dib markii uu kusoo guuleystay waayihiisa kooxda Inter Milan ee 2017.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close