Difaaca Atletico Madrid José Giménez oo rajeenaya in Mohammed Salah uu kaga hor yimaado koobka aduunka 2018

(Uruguay) 08 Juunyo 2018. Difaaca kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka Uruguay José Giménez ayaa sheegay inuu rajeenayo in Mohammed Salah in uu qeyb ka noqdo xulkiisa qaranka Masar koobka aduunka ee 2018.

José Giménez ayaa rajeenaya in Mohamed Salah uu ku wajaho sababa la xiriira inuu  jecel yahay inuu la kulmo ciyaartoyda ugu fiican aduunka

Mohamed Salah ayaa qabay labadii isbuuc ee lasoo dhaafay dhaawac dhanka garaba ah kaasoo kasoo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii finalka Champions League, wuxuuna seegay garoomada.

Xidiga kooxda Atletico Madrid ayaa wuxuu sheegay: “Waxaan rajeynayaa in Mohamed Salah uu ka qeyb qaadan doono Koobka Adduunka”.

“Marka la eego heer shaqsi waxaan jeclahay inaan kahor imaado ciyaartoyda ugu fiican aduunka, Mohammed Salah wuxuu ka mid yahay kuwa ugu fiican aduunka”

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close