Ronaldo oo tilmaamay in xulka Portugal uusan qeyb ka ahayn xulalka loo saadaalinayo inay ku guuleysan karaan koobka aduunka

(Portugal) 07 Juunyo 2018. Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in xulka qaranka Portugal uusan ka mid ahayn xulalka ugu cad cad ee ku guuleysan kara koobka aduunka 2018.

Laakiin xidiga kooxda Real Madrid oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sii raacsaday in kalsoonida xulkiisa uu ka qabo koobka aduunka aysan ahayn mid xun isla markaana ay sameyn karaan in dib ay u soo celiyaan dhacdadii koobkii euro 2016.

Xulka qaranka Portugal ayaa waxay hal Group ku wada jiraan xulalka Spain, Morocco iyo Iran. Waxaana loo badinayaa in group-kan ay kasoo wada bixi karaan Spain iyo Portugal marka loo fiiriyo awooda xulalka kale,

Cristiano Ronaldo ayaa yiri ugu horeyn: “Hamiga iyo kalsoonida cid kasta ee qeyb ka ah xulka qaranka Portugal ciyaartoyda iyo shaqaalaha kale ma ahan mid liidata”.

“Waan ka war qabnaa inaan ka mid ahayn xulalka ugu cad cad ee ku guuleysan kara koobka aduunka, waana inaan cadeeynaa arintan, laakiin suurtogalnimada ma ahan wax ka reeban kubada cagta”.

“Waxaan sameyn karnaa dhacdo la mid ah koobka Euro 2016, sababtoo ah kubada cagta waxaan aaminsanahay in wax walba ay suuragal ka noqon karaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close