Real Madrid oo go’aansatay inay iska fasaxdo Cristiano Ronaldo

(Real Madrid) 07 Juunyo 2018. Wargeyska “Marca” ee dalka ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Real Madrid ay go’aansatay inay iska fasaxdo Cristiano Ronaldo, sababa la xiriira in uusan laacibka reer Portugal ku kanacsaneen mushaarka uu kooxda ka qaato.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in haatan mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Real Madrid uu noqday mid mugdi xoogan ku jira, wuxuuna kaga dhaw yahay in uu kooxda ka dhaqaaqo xiliyadii lasoo dhaafay.

Warkan ayaa wuxuu imaanayaa kadib kulan gaar ah ay wada qaateen madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez, agaasimaha guud ee kooxda Jose Angel Sanchez iyo wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendez. Talaadadii lasoo dhaafay.

Wargeyska ayaa sheegay in Ronaldo uu ka tagi doono Real Madrid sababtoo ah kala duwanaanshiyaha u dhaxeeya baahida maaliyadeed ee u dhaxeysa isaga iyo mas’uuliyiinta kooxda Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close