Paulo Dybala: “Lionel Messi waa xidiga aan kaga daydo kubada cagta, waxaana wax kaga baranayaa si joogta ah”

(Argantina) 07 Juunyo 2018. Da’ayarka xulka qaranka Argantina iyo kooxda Juventus Paulo Dybala ayaa kahor koobka aduunka wuxuu si cad u sheegay in Lionel Messi uu yahay xidiga uu kaga daydo kubaca cagta.

“Lionel Messi marwalba wuxuu ahaa xidiga aan kaga daydo kubada cagta, mar walbana waan ku faraxsanahay, waa ciyaaryahan weyn, qof walba ee daawada bandhigiisu wuxuu isku dayaa inuu wax ka barto”

Paulo Dybala ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay rajada uu xulka qaranka Argantina snadan ka qabi karo inuu meel wacan kaga gaaro koobka aduunka, wuxuuna sheegay inay doonayaan in ay gaaraan kulanka finalka ee koobka aduunka,

“Waxaan dooneynaa inaan gaarno finalka, waa shaqo u baahan dagaal xoogan, waxaan wajihi doonaa xulalka ugu wanaagsan caalamka ee Spain, Brazil, Germany iyo Faransiiska”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close