Mid ka mid ah majaladaha dalka Faransiiska oo u doortay Zidane iyo Messi macalinka iyo xidigka ugu fiicnaa xili ciyaareedkan

(France) 07 Juunyo 2018. Kadib isbuuc marka uu iska casilay Zinedine Zidane shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid ayaa majaladda dalka faransiiska kasoo baxda ee Onze waxay boggeeda hore kusoo dhaabacday “Zidane miyuu yahay tababaraha ugu fiican taariikhda?”

Jariidada Faransiiska ah ayaa siisay Zidane abaal marinta “Onze d’Or” macalinka ugu fiican xilli ciyaareedkan sidoo kalena ah xili ciyaareedkii labaad, kasoo ku hogaamiyay Real Madrid markii saddexaa xiriir ah tartanka Champions League.

Macalinka reer france ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu abaal marintan horey ugu soo guuleystay sanadihii 1998, 2000 iyo 2001.

Marka laga soo tago Zinedine Zidane, Onze Mondial ayaa waxay u aqoon satay xidiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kan ugu fiicnaa kuabada cagta aduunka ee xili ciyaareedkan,

Lionel Messi ayaa sidoo kale abaal marintan horey ugu soo guuleestay saddex jeer ee horey ee kala ah 2009, 2011 iyo 2012.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close