Mauricio Pochettino oo markale ka hadlay fikirkiisa kaga aadan ku biirista kooxda Real Madrid

(Tottenham) 07 Juunyo 2018. Tababaraha reer Argentina iyo kooxda Tottenham Mauricio Pochettino ayaa sii wata ka hadalka kooxda Real Madrid oo raadinaysa tababare cusb ka dib markii uu ka tagay Zinedine Zidane.

Wareysi uu markale bixiyay Mauricio Pochettino ayaa waxaa soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain kadib markii uu sheegay: “Way iska cadahay in Real Madrid ay tahay kooxda ugu fiican adduunka, aniga ahaan, ka Argantina tababare ama ciyaaryahan ahaan, waxaan ku faraxsanahay kooxda Tottenham”.

“Waxaan isku dayayaa inaan diyaar u ahaado xaalad cusub oo ka dhici karta shaqadeyda tababarka waxaana mar walba doonayaa inaan ka faa’iideysto fursadaha marka ay timaado”

Si kastaba maamulka kooxda Real Madrid uu hogaaminayo Florentino Perez ayaa waxay u arkaan in Mauricio Pochettino uu yahay badalka saxda ah ee Zidane oo si lama filaan ah kooxda kaga dhaqaaqay isbuucii lasoo dhaafay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close