“Kulankasta ka hor Qur’aanka Kariimka ayuu aqristaa anigana sidoo kale.”- Baro Maxamed Saalaxa Cusub

(England) 07 Juunyo 2018. Maalin kasta waxaa joojiya Taageerayaal si ay Sawirro ula galaan, Waa laacib aad u shabaha Maxamed Saalax oo ku nool dalka Ciraaq.

Hussein Ali waa 20-jir weerarka ka ciyaara ee u safta naadiga Al Zawraa club ee ka dhisan dalkiisa, wuxuuna caan ku noqday inuu aad ugu eg yahay Xiddiga Liverpool isla markaana uu jecel yahay inuu sidiisa oo kale u ciyaaro.

“Waxaan ka ciyaarnaa boos isku mid ah waxaana sameeyaa wax kasta si aan ugu daydo una koobiyeeyo dhaq dhaqaaqiisa,” Xuseen ayaa sidaa yiri.

“Kulamadiisa ka hor wuxuu aqristaa Qur’aanka wuxuuna ilaah waydiistaa inuu Caawiyo. Anigana sidoo kale qur’aanka ayaan aqriyaa waana duceystaa.”.

Xuseen Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

“Markaan la ciyaarayay kooxda Al Ahed ee ka dhisan Lubnaan, Dadka ayaa Sawirro iga qaadanayay saacad iyo bar.

“Doraad waxan joogay Suuqa, Ilaalada, Shaqaalaha Dukaanka iyo Kaliyantiga, qofkasta wuxuu doonayay inuu Sawir iga qaato…. Xitaa gabdhaha.

“Markii uu dhaawacmay Maxamed saalax, waxaa jiray kuwa yimid si ay ii arkaan aniga sida inaan anigu ahay qofka dhibtoonaya.

“Dariskeyga, maalmo badan, dadka i gudbaya waxay igu dhahayeen ‘dhaqso ku soo caafimaad’.

SAWIRRO:

 Fans are constantly asking the striker for selfies in his native Iraq

 The footballer revealed his dream to follow in Salah's footsteps

 Members of the public told Hussein to 'get well soon' after Salah dislocated his shoulder

 He purchased a Liverpool shirt to enhance his image of looking like Salah

 He admitted he tries to imitate Salah's footballing ability including his dribbling

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close