“Waxba ha ii sheegina, Messi xitaa sideyda oo kale ayuu iska dhex socdaa Garoonka mana la dhaleeceeyo.”.- Pogba oo Furka Tuurtay

(Europe) 06 Juunyo 2018. Paul Pogba ayaa xagaagan dhaleeceyn xoogan kala kulmay falan qeeyayaasha Premier Leauge iyo ciyaartoydii hore ee Mancheter United kaddib bandhigiisii liitay.

Waxaa xitaa jirtay inay isku dheceen Jose oo keydka u dhaadhiciyay kulamo badan, waxaana ugu dambeysay in Taageerayaasha xulka Faransiiska ay ku ooriyeen Pogba kulankii saaxiibtinimo ay Talyaaniga la yeesheen.

Laakiin Pogba oo ka jawaabaya sheekadaas ayaa sheegay in Lionel Messi uu sidiisa oo kale u ciyaaro isla markaana uusan la kulmin wax dhaleeceyn ah.

“Markasta sidaas ayaan u ciyaari jiray. Marka aan guuleyto sidaas leen ku guuleystay, taasi waa habka aan u ciyaaro,” Pogba ayaa sidaa u sheegay France football.

“Marka uu Messi garoonka dhex socdo ma dhaleeceynaysaan.

 Paul Pogba drew comparisons with Lionel Messi when answering back to his doubters

“Haddii uu dhaliyo saddex gool ma waxaad leedihiin: ‘Ah, laakiin garoonka ayuu dhex socdaa, Maya iima sheegi kartaan sida loo ciyaaro

“Haddii aan maanta halkan joogo, waa sida aan ahay. Cidna iima sheegi karto sida aan u dhaqmayo. Taasi waa kubbadeyda cagta waana intaas.

“Dadku haka helaan ama yaysan ka helin. Miyaan u baahanahay in midan la Jecleysto? Miyaan u baahanahay in dadku si ka duwan ii garsooraan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close