Ter Stegen: Waan ka Niyad jabay Go’aanka Low Laakiin waan Caawin Doonaa Neuer ?

( Russia ) 06 Juunyo 2018. Waxey u muuqatay in Marc-Andre ter Stegen u ahaanayo goolahaya kusoo bilaaban doona goolka qaranka Germanya cayaaraya koobka adduunka ee Russia ka bilaabanaya

Yeelkeede, Manuel Neuer ayaa kasoo kabtay waqtigii loogu talagal dhaawaciisa taaso iminka uu ka niyad jabay ter Stegen balse wuxuu diyaar u noqonaya inuu xulkiisa ka caawiyo tartanka sidii ay ugu guuleysan lahayeen.

Isniintii, Macalinka Germany Joachim Low ayaa shaaciyay in Neuer uu kusoo bilaaban doono goolka xulka qaranka, inkastoo uusan u cayaarin kooxda Bayern Munich xitaa hal daqiiqo tan iyo bishii September, kadib markii uu maray qaliin cagta ah.

Dhanka kale, ter Stegen ayaa Barcelona u ciyaaray labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, laakiin waxay u muuqataa in aysan ku filneyn taa xulka lagu naaneyso  Die Mannschaft.

Image result for manuel neuer

“Waan isku dayi doonaa inaan caawiyo Manuel Neuer”, ayuu Ter Stegen u sheegay suxufiyiinta.

“Marka aad ciyaarto dhamaan kulamada xagaaga mar walba waxaa tahay heerka sare,  tani waa xaalad niyad jab ha.”

Germany ayaa ka mida Group F waxayna kula jira Mexico, Sweden iyo South Korea. Maalinta jimcaha xulka difaacanaya koobka adduunka waxay cayaar saaxiibtinimo wajihi doonaan Saudi Arabia ka hor cayaaraha ka furmaya Russia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close