Messi oo sirtaan u sheegay Valverde markii ugu horaysay ee ay ku kulmeen tababarka Barcelona sanad ka hor

(Barcelona) 06 Juunyo 2018 Lionel Messi ayaa war lama filaan ah uga naxsaday tababarihiisa Valverde markii ugu horaysay ee ay ku kulmeen tababarka kooxda waqtigii is diyaarinta xiliciyaareedkii hore.

Barcelona ayaa xaggaagii hore u magacaawday Valverde tababaraha kooxda kadib markii uu ka tagay Luis Enrique.

Wariyaha reer Spain ee Guillem Balague ayaa daaha ka qaaday hadalkii ugu horeeyay ee dhex maray Messi iyo tababare Valverde markaas oo xiddiga reer Argentina uu u sheegay tababarihiisa war ka nixiyay.

Image result for Messi Neymar

“Iska jir Neymar, waayo waxaa suurogal ah inuu ka tago kooxda” ayuu Messi ku yiri tababare Valverde.

Tababaraha reer Spain oo la yaaban hadalka sirta ah ee Messi uu u sheegay ayaa durba la soo booday “Maxaa tiri?”.

Waqtigaas ayeey Messi iyo tababare Valverde isku balansadeen inay madaxa saartaan Barcelona haddii uu ka tago Neymar kaas oo ugu danbayntii 222 milyan oo euro ugu dhaqaaqay PSG.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close