Marcelino Garcia oo ka hadlay suurtagalnimada uu ku noqon karo badalka Zidane ee kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 06 Juunyo 2018. Tan iyo markii Zinedine Zidane uu ku dhawaaqay inuu iska casilay tababarka Real Madrid, waxaa sii kor dhaya magacyada ay maamulka Los Blancos xiiseenayaan in ay noqdaan badalkiisa.

Balse ilaa iyo haatan ma jiro macalin lagu tilmaami karo inuu ku dhow yahay shaqada tababarka ee kooxda Real Madrid.

Inkastoo uu Marcelino García uusan ka hadlin fikrada uu ku doonayo inuu kaga tagayo kooxda Valencia, hadana saxaafada ayaa waxay weydiisay suurtagal nimada uu ku noqon karo badalka Zinedine Zidane.

Marcelino ayaa u sheegay saxaafada: “Ma aysan i soo wicin, laakiin ma tagayo, sababtoo ah waxaan ku faraxsanahay Valencia”

Sidaasi darteed Marcelino García ayaa wuxuu ku biiray liiska tababarayaasha iska diiday inay noqdaan badalka Zinedine Zidane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close