Dowladda Brazil oo Xulkeeda ka qeyb galaya Koobka Adduunka dartii u badeshay Hannaankii Shaqada Dalka oo Idil…!!!

(Brazil) 06 Juunyo 2018. Dowaldda Brazil ayaa badeshay hannaanka ay u shaqeeyaan Shaqaalaheeda sababo la xiriira xulkeeda qaranka dartii.

Dowladda ayaa si Rasmi ah Shaqaalaheeda ugu ogolaatay inay goor dambe shaqada soo galaan si ay u daawadaan xulka Brazil ee Koobka Adduunka.

Waxaa shaqaalaha loo ogolaaday inay howsha ka soo daahi karaan haddii ay subaxa hore ciyaarayaan xulkooda Brazil saacada dhankooda.

 Brazil's government has given fans the chance to watch their World Cup matches

Sidoo kale haddii ay galab ku aadan tahay dhankooda waxaa loo ogol yahay inay goor hore ka tagaan shaqada si ay u daawadaan xulka Brazil ee Ruushka uga qeyb galaya Koobka Adduunka.

Xulka lagu naaneyso Samba ee ka mid ah xulalka sanadkan loo saadaalinayo Koobka Adduunka ayaa kulankooda furitaanka la ciyaari doona xulka Switzerland, 17-da bishan maalin axad ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close