Danny Rose oo u diiday qoyskiisa in ay u safraan dalka Russia, si ay kaga qeyb galaan koobka aduunka 2018

(England) 06 Juunyo 2018. Difaaca xulka qaranka England Danny Rose ayaa ka codsaday qoyskiisa in aysan u safrin dalka Russia si ay u daawadaan dhacdada kubada cagta ugu weyn ee koobka aduunka 2018, sababa la xiriira inuu ka cabsi qabo in ay la kulmaan fal cunsuriyad ah.

Danny Rose ayaa wuxuu arintan u sheegay saxaafada wuxuuna yiri: “Waxaan u sheegey qoyskeyga inuusan rabin in ay halkaas u safraan sababtoo ah midabtakoorka iyo rajada laga qabo wax walba oo dhici kara”.

“Ma doonayo in aan ka walwalo nabadgelyada qoyskeyga anigoo diyaar u ah inaan ciyaaro, hadii wax igu dhacaan, wax saameyn ah ma lahaan doonto inta ay qoyskeygu dhaawacmi lahaayeen

Walaaca Rose ayaa yimid waqti ay Russia wacad ku martay in ay wax ka qabanayaa falalka cunsuriyada ah, kahor inta uusan marti karinin koobka aduunka, kaasoo socon doona 14-ka Juun ilaa iyo July 15-keeda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close