Xaqiiqda ka dambeysa inuu Si lama Filaan ah isku CASILO Zidane oo la Ogaaday

(Madrid) 05 Juunyo 2018. Ilo Wareedyo la helay ayaa sheegaya sababta ka dambeysa in Zidane uu si lama filaan ah isaga casilo xilka Real Madrid xilli uu ku hogaamiyay Champions League sanadkii saddexaad oo xiriir ah.

Habeenkii ka horreeyay is Casilaada Zidane ayaa la warinayaa inay isku dhaceen Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez sababo ku aadan qorshaha suuqa kala iibsiga.

Macallinka reer France ayaa u sheegay Perez inuu doonayo Eden Hazard balse waxaa loogu jawaabay ‘Maya’.

Zidane ayaa misane ku laabtay Madaxwaynaha oo ka dalbay in kooxda la keeno bartilmaameedkooda waqtiga dheer ee De Gea kaa oo shabaqa u ilaaliyo kooxda Manchester United.

Balse Perez ayaa markale Miimka cuksaday isagoona u sheegay inay aaminsan yihiin goolhayahooda Keylor Navas.

Dood dheer kaddib Zidane ayaa sheekada ku soo afjaray inuu Madaxwaynaha Real Madrid ku yiri: ‘Waa iiga dhammaatay, kooxda adiga ka taxadar.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close