Uefa oo Ganaax ku Riday Macalinka Manchester City Pep Guardiola

( Uefa ) 05 Juunyo 2018. Macalinka Manchester City Pep Guardiola ayaa laga ganaaxay labo kulan oo tartanka Champions League kadib dacwad ay kusoo oogtay xiriirka kubbada cagta qaarada yurub ee Uefa taaso la xariirta kulankii Liverpool.

47 jirkaan ayaa laga saaray cayaarta qeybtii dambe kulankii lugta labaad ee wareega siddeed dhamaadka ee ka dhacay garoonka Etihad Stadium 10 April isagoo ka cabanaya go’aanada garsoorka.

Wuxuu maqnaan doonaa kulanka kowaad ee Champions League xagaaga dambe, halka cayaarta labaad dib loogu dhigay sanad.

Liverpool ayaa iyaguna la ganaaxay 30,000 euro oo ku aadan rabshooyinkii ay sameyeen taagerasheeda kulamadii Siddeeda iyo Afar dhamaadka Champions League.

Hogaamiyihii hore Barcelona ee Guardiola ayaa sheegay in uusan cayn garsooraha Mateu Lahoz markii uu aad kaga carooday gool laga diiday dhamaadka qeybta kowaad.

City waxay ku hogaamineysay cayaarta 1-0 markii uu Leroy Sane u muuqday mid ku jiray offside inkastoo laacibka qadka dhexe ee kooxda Liverpool James Milner ay ku dhacday kubbada.

Si kastaba Liverpool ayaa ku guuleystay 2-1 kulankas taa oo ka dhigtay labada is arag natiijooyinkeeda ay noqdeen 5-1.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close