Ronaldo oo dib uga laabtay go’aankii uu horay u qaatay (Maxaa is badalay?)

(Madrid) 05 Juunyo 2018 Cristiano Ronaldo ayaa u muuqda mid niyada u qaboojinaya taageerayaasha Real Madrid kadib markii uu ka laabtay go’aankiisii hore.

Barnaamijka El Chiringuito de Jugones ayaa lagu sheegay in Ronaldo uu dib uga laabtay go’aankiisii ahaa inuu ku dhawaaqo qorshaha mustaqbalkiisa.

Xiddigaan ayaa sheegay Final-kii Champions League inuu taageerayaasha u soo bandhigi doono qorshaha mustaqbalkiisa ka hor inta uusan ku biirin xulkiisa Portugal ee isku diyaarinaya koobka adduunka.

Ronaldo ayaa shalay ku biiray tababarka xulkiisa Portugal, wuxuuna dib u dhigay ku dhawaaqista go’aanka ku aadan qorshaha uu damacsan yahay.

Barnaamijka ayaa lagu sheegay in laacibku uu haatan diyaar u yahay inuu la sii joogo Real Madid, wuxuuna doonayaa in sanadkii uu kooxda ka helo mushaar dhan 30 milyan oo euro si uu u saxiixo heshiis cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close