Neymar oo ku kalsoon inuu ku biiri karo Real Madrid suuqa xaggaagan

(Madrid) 05 Juunyo 2018 Xiddiga reer Brazil ayaa kalsooni buuxda ku qaba inuu ku biiri karo Real Madrid suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Marca ayaa baahisay in Real Madrid ay niyad jabtay kadib bixidii tababare Zidane, balse kooxda ayaa haatan xooga saaraysa sidii ay u soo qaadan lahayd Neymar.

Bartilmaameedka koowaad ee Real Madrid dhanka suuqa ayaa haatan ah Neymar gaar ahaan wixii ka danbeeya koobka adduunka.

Kooxda ayaa ka war haysa in Ronaldo uu dagi doono maalmo kadib isla markaana uu ku farxi doono siijoogida Real haddii uu yimaado Neymar.

Fariimo ay is dhaafsadeen Neymar iyo dadka aadka ugu dhaw ayaa lagu ogaaday in laacibku uu kalsooni ku qabo ku biirida Real Madrid.

Real Madrid ayaa fariimo fiican ka helaysa dhanka Neymar, waxaana maalin walba kooxda la soo gaarsiiyaa in xiddigu uu diyaar u yahay u soo dhaqaaqida dhankooda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close