Juventus oo iska soo diiday dalab ay Manchester City kasoo gudbisay Miralem Pjanić

(Juventus) 05 Juunyo 2018. Wargeyska Toto Sport ayaa sheegay in Juventus ay iska diiday in dalab 50 milyan ginni ay kooxda Manchester City kasoo gudbisay khadka dhexe reer Bosnia Miralem Pjanić.

Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in bar-tilmaameed uu ka dhigto saxiixa Miralem Pjanić suuqa xagaaga, si uu u xoojisto khadkiisa dhexe kahor inta aan la gaarin xili ciyaareedka cusub.

Inakastoo ay Manchester City ceyrsi ugu jirro saxiixa khadka dhexe kooxda Napoli Jorginho, laakiin marka laga soo diiday dalabka koowaad ay ka gudbiyeen xidigan ayay Sky Blues waxay dareenkooda u jeediyeen sida ay ku heli lahaayeen adeega Miralem Pjanić.

Miralem Pjanić ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, laakiin Juventus ayaan si sahlan ku fasaxi doonin xidigeedan reer Bosnia suuqan xagaaga.

Marwada duqda ayaa waxay dooneysaa in saxiixa Miralem Pjanić ay ku fasixi doonaan aduun dhan 80 million pounds, waana qiimo ay koox kasta dooneyso inay bixiso si ay u hesho saxiiixa Pjanić.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close