Guardiola oo ka hadlay is casilaada Zidane isagoo dhinaca kale meesha ka saaray in Neymar uu u dhaqaaqi doono Real Madrid

(Man City) 05 Juunyo 2018. Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ka hadlay is casilaada Zinedine Zidane ee kooxda Real Madrid isbuucii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale Guardiola ayaa meesha ka saaray in xidiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr uu ku biiri doono kooxda Real Madrid.

Sidoo kale macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa wuxuu sidoo kale ka hadaly xiisaha kooxda Barcelona ay ka muujineyso saxiixa xidiga kooxda Atlético Madrid Antoine Griezmann.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka kooxda Man City ee Pep Guardiola: “Ma jiro tababare kasta ee kaga dhaqaaqi kara kooxaha Barcelona iyo Real Madrid qaabkan Zidane wuxuu la mid yahay Luis Enrique oo kooxda ka tagay ka dib markii uu ku guuleystay wax walba”

“Ma aanan ku guuleysan saddex koob ee Champions League ah, ma ihi qof la nool Zidane, tababarayaasha sida caadiga ah waxay u baxaan natiijooyin xun, lakiin waxa uu sameeyay Zizou waa wax aan caadi ahayn”.

“Runtii, dareenka ah aniga iyo Zidane inaan isku mid nahay, aad ayaan ula dhacsanahay isaga, wuxuu ahaa mid ka mid ah saaxiibaday markii uu ahaa ciyaaryahan iyo tababare, waxaana qabaa inuu si dhakhso ah kusoo laaban doono”.

“Neymar kama tagi doono Paris Saint-Germain, ma imaan doono Manchester City. Mana udhaqaaqi doono Real Madrid, ka tagistiisa kooxda  PSG ma ahan wax fudud, inkastoo wax walba ay suurtagal tahay kubada cagta”.

Guardiola ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xiray ka hadalka arinta ku aadan Antoine Griezmann ee kooxda Barcelona wuxuuna yiri: “Ma garanayo in ku biiristiisa ay u wanaagsan tahay kooxda Barcelona iyo inkale, Ernesto Valverde ayaa igaaga aqoon badan arintan, waa inaad weydiisaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close