DEG DEG: Manchester United oo ku dhawaaqday saxiixa Fred

(Manchester) 05 Juunyo 2018 Manchester United ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis la gaartay kooxda Shakhtar kaas oo ku aadan saxiixa Fred.

BBC Sport ayaa dhankeeda baahisay in Manchester United ay ku soo afjartay saxiixa Fred lacag dhan 52 milyan oo Ginni.

Kooxda ayaa balan qaaday inay ku dhawaaqi doono saxiixa Fred isaga oo rasmi ah, maadaama haatan ay heshiis la gaartay kaliya kooxda Shakhtar.

Fred qudhiisa ayaa ku soo qoray Instargam-kiisa: “Waan ku faanayaa inaan noqdo gaduud” oo uu ula jeedo Manchester United.

25 jirkaan ayaa noqonaya laacibkii 7-aad ee ka soo jeeda Brazil ee xirta funaanada kooxda Manchester United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close