Yaya Toure oo si aan horey loo Maqal u weeraray Pep Guardiola…

(England) 04 Juunyo 2018. Yaya Toure ayaa si aan horey loo arag u weeraraya tababarihiisa Manchester City ee Pep Guardiola isagoona ku sheegay inuu dhibaato ku qabo ciyaartoyda Afrikaanka ah.

35-jirka reer Ivory Coast ee kal ciyaareedkan macsalaameeyay kooxda reer England ayaa sheegay in markii uu joogay Barcelona uu sheekadan ogaaday in Guardiola uu ciyaartoyda Madoowga ula dhaqo si ka duwan kuwa kale.

“Waxay u muuqataa sida inuu iga maseersan yahay aniga, wuxuu ii arkaa sida mid la xifaaltamaya sida inaan kala wareegayo dareenka iyo diirada,” Yaya Toure ayaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa.

 Yaya Toure has incredibly accused Yaya Toure of 'not liking African people'

“Mid naxariis daran ayuu ii ahaa. Miyaad dhab ahaantii aamisan tahay inuu sidaa oo kale u ahaan lahaa Iniesta?

“Waxaan is waydiiyay in sababta ay tahay Midabkeyga Madoow.

“Ma ihi qofkii ugu horreeyay oo ciyaartoyda kale ee Barcelona su’aashaas oo kale ayay is waydiyeen. Laga yaabee innaga (Reer Africa) in had iyo jeer ay dadka qaar ula macaamilin si isku mid ah.

 Yaya Toure says ex-Barcelona players noticed his 'treatment' of Africans

“Marka aad aragto dhibaatada uu Guardiola badanaa ku qabo ciyaartoyda Afrikaanka ah, meel kasta ee uu joogay, waxaan is waydiyaa su’aalo.

“Waa mid aad u caqli badan in lagu qabto dhaqamadan. Marna ma qiri doono inuusan jacelyn Afrikaanta.

“Laakiin maalinta uu soo xusho koox ay ku jiraa shan ciyaaryahan oo Afrikaan ah, waxaan balan qaadayaa inaan u soo diri doono Doolsho.

“Intaa kaddib, Guardiola wuxuu jecel yahay inuu wax xukuma wuxuu doonayaa inuu heysto ciyaartoo wax adeecda kuwaa oo Gacmihiisa Dhunkanaya/Shuminaya.

 Yaya Toure was speaking to France Football when he revealed all

“Kama helo xiriirka ceynkaa oo kale ah, Waan xushmeeyaa tababaraheyga laakiin wixiisa ma ihi.

“Pep wuxuu iga xaday Macalaameyteydii Man City, koox leh taageerayaal qurux badan.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan la tago dareenka kooxda sida uu Iniesta uga tagay Barca ama uu Buffon uga taga Juventus, Balse Guardiola ayaa midaa iga hor istaagay.”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close