Roma oo la kulantay dalabkii ugu horeeyay ee laga soo gudbiyay Alisson Becker, Laakiin waa koox aan ahayn Real Madrid

(Roma) 04 Juunyo 2018. Kooxda Roma ayaa la kulantay dalabkeeda ugu horeeyay ee rasmi ah si ay u fasaxdo goolhaayaha kooxdeeda ee xulka qaranka Brazil Alisson Becker, inta lagu gudi jiro suuq xagaaga.

Sida ay xqiijinayaan ilo ku dhow kooxda Roma Chelsea ayaa  dalab rasmi ah ka gudbisay goolhaayaha xulka qaranka Brazil, kaasoo qiimahiisa lagu sheegay aduun dhan 60 million euros.

Laakiin sida ay wararka xaqiijinayaan kooxda Roma ayaanan ogolaan doonin in Alisson Becker aysan ku fasixin qiimo ka yar 100 million euros.

Sidoo kale saraakiisha kooxda Blues ayaa waxay miiska u soo saareen mushaar sanadla ah ee gaarsiisan € 4.5 million si uu goolhaayaha reer Brazil uu u soo dhaqaaqo garoonka Stamford Bridge.

Waxaa jira warar sheegaya in Real ay dooneyso inay la soo wareegto Alisson Becker, lakiin Roma ayaa diiday inay iska fasaxdo ka hor Koobka Aduunka 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close