RASMI: Maxamed Saalax oo isagoo dhaawac ah lagu soo daray liiska kama dambeysta xulka Masar ee Koobka Adduunka

(Egypt) 04 Juunyo 2018. Waxaa lagu dhawaaqay shaxa kama dambeysta ee xulka Masar ku matali doona koobka adduunka iyadoona lagu soo daray Maxamed Saalax oo dhaawac qaba.

Xiddiga Liverpool ayaa dhaawac garabka ah ka soo gaaray Final kii Champions League iyadoona laga cabsi qabay inuu gabi ahaan seegi doono Koobka adduunka, balse dhaqaatiirta ayaa xaqiijisay inuu ka soo muuqan doono dhacdada ugu wayn koobka adduunka.

Maxamed ayaa qudhiisa shalay ku soo hadlay Twitter ka isagoona sheegay inuu si fiican dareemayo.

Yeelkeede, Waxaa maanta lagu soo daray shaxda kama damebstay ee xulka Masar waxaana ku wehliya xiddigaha kale ee Premier League  Ahmed Elmohamady, Mohamed Elneny iyo Ramadan Sobhi.

EEG shaxda kama dambeysta ee xulka Masar:

GOOLHAYE: Essam El Hadary (Al Taawoun), Mohamed El-Shennawy (Al Ahly), Sherif Ekramy (Al Ahly).

DAAFACA: Ahmed Fathi, Saad Samir, Ayman Ashraf (all Al Ahly), Mahmoud Hamdy (Zamalek), Mohamed Abdel-Shafy (Al Fateh), Ahmed Hegazi (West Brom), Ali Gabr (Zamalek), Ahmed Elmohamady (Aston Villa), Omar Gaber (Los Angeles FC).

QADKA DHEXE:Tarek Hamed, (Zamalek), Shikabala (Zamalek), Abdallah Said (Al Ahli), Sam Morsy (Wigan Athletic), Mohamed Elneny (Arsenal), Mahmoud Kahraba (Al Ittihad), Ramadan Sobhi (Stoke City), Mahmoud Hassan (Kasimpasa), Amr Warda (Atromitos Athens).

WEERARKA: Marwan Mohsen (Al Ahly), Mohamed Salah (Liverpool).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close