Arturo Vidal oo ka warbixiyay mustaqbalkiisa Bayern Munich, xili ay xiiseenayaan kooxaha Inter iyo Napoli

(Bayern) 04 Juunyo 2018. Xidiga khadka dhexe kooxda Bayern Munich Arturo Vidal ayaa iska diiday in uu Allianz Arena arka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Arturo Vidal ayaa wuxuu ka jawaabay wararka ku aadan in uu markale dib ugu laabanayo horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Vidal ayaa wuxuu haatan ku gudi jiraa fasax, wuxuuna xaqiijiyay in asiga iyo wakiilkiisa ay kulan wada qaadan doonaan, si loo hagaajiyo wax walba, in uu sii joogi doono kooxda Bayern Munich ama uu ka tagi doono”.

“Waxaan kulan wada qaadan doonaa aniga iyo wakiilkeyga, si aan wax walba u hagaajino, kadib marka uu soo idlaado fasaxeyga, Wuxuu ii sheegi doonaa waxa la sameyn karo”.

“Kadib waxaan dooran doonaa inaan sii joogo Bayern Munich ama aan ka tago, waxa kaliya ee aan xiiseynayo haatan ayaa ah inaan kasoo kabanayo dhaawaca dhanka jilibka”.

Waxaa dhawaan soo baxay warar ku aadan in Arturo Vidal uu markale dib ugu laabanayo horyaalka Serie A ee dalka talyaaniga, gaar ahaan xili ay xiiseenayaan kooxaha Inter Milan iyo Napoli.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close