Unai Emery oo dooqa koowaad ka dhiganaya khadka dhexe kooxda Sevilla Steven N’Zonzi

(Arsenal) 02 Juunyo 2018. Macalinka cusub ee kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal Unai Emery ayaa waxay xiiseeneysaa in ay lasoo saxiixato xidiga khadka dhexe kooxda Sevilla Steven N’Zonzi.

Unai Emery ayaa loo magacaabay macalinka Arsenal si uu u noqdo badalka Arsene Wenger, macalinka reer Spain ayaana xiiseenaya in uu Gunners ku sameeyo isbadal xoogan suuqa xagaaga.

Unai Emery ayaa ku qanciyay maamulka Arsenal inay lacago badan ku bixyaan suuqa xagaaga, si ay ula soo saxiixdaan xidigo khibrad wanaagsan u leh kubada cagta sida Steven N’Zonzi oo kale.

Laakiin Steven N’Zonzi ayaa la aaminsan yahay inuusan kaga so dhaqaaqi doonin kooxda reer Spain ee Sevilla qiimo ka yar 40 milyan ginni.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close