Taageerayaasha Nigeria oo si xun ugu OORIYAY Dele Alli, mana ahan wax la xiriira Ciyaarihiisa…(Ogoow sababta)

(England) 02 Juunyo 2018. Taageerayaasha xulka Nigeria ayaa si wayn ugu ooriyay xiddiga qadka dhexe ee England Dele Alli ciyaarta Saaxiibtinimo ee iminka dhex mareysa England iyo Nigeria.

Ma ahan wax la xiriira Ciyaartiisa ee sababta ay ugu ooriyeen waa inuu diiday inuu matalo xulka qaranka Nigeria iyadoo taa badelkeeda uu matalayo Ingiriiska.

Dele Alli waxaa dhalay aabe ka soo Jeeda Nigeria oo waliba ah Milyineer ganacsade ah.

“Haddii uu Dele Alli iminka dib ugu soo laabto Nigeria waali ayay noqon doontaa, wuxuu heli doonaa soo dhaweyn madaxtinimo meel kasta uu aadom,” Alli aabihii Kehinde ayaa sidaa yiri mar.

Ciyaarta ayaa iminka socota qeybta labaad waxayna mareysaa 2-1 uu ku hogaaminayo xulka Ingiriiska.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close