Sirta ka danbaysa kulankii Unai Emery iyo Ernesto Valverde oo daaha laga rogay

(Bilbao) 02 Juunyo 2018 Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay sawir ay kuwada jiraan tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde iyo tababaraha cusub ee Arsenal Unai Emery.

Waxaa durba looga shakiyay in labada tababare ay kawada hadlayeen arimo la xiriira dhanka suuqa kala iibsiga.

Image result for Unai Emery Valverde

Laakiin Marca ayaa baahisay in labada tababare lagu casuumay maqaayad laga furayay magaalada Bilbao halkaas oo ay kuwada casheeyeen isla markaana ay isku xog waraysteen.

Xiriir aad u fiican ayaa ka dhexeeya tababare Valverde iyo tababare Unai Emery, waxaana la ogsoon yahay inay yihiin saaxiibo aad isugu dhaw.

Waxaa sidoo kale kulanka ku wehliyay tababaraha cusub ee kooxda Athletic Bilbao Eduardo Berizzo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close