Maradona oo la hadlaya Messi: “Ku raaxeyso kubada cagta hana ku fikirin Koobka Aduunka”

(Argantina) 02 Juunyo 2018. Halyayga kubada cagta dalka Argantina Diego Armando Maradona ayaa wuxuu fariin gaar ah u diray mucjisada ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Barcelona Lonel Messi, kahor inta aan la gaarin koobka aduunka ee 2018 ee 14-ka bishan ka furmi doono dalka Russia.

Diego Armando Maradona ayaa ka codsaday Lionel Messi inuu ku raaxeysto ka qeyb qaadashada Koobka Aduunka, iyadoo aan lagu xiri doonin in ay muhiim tahay ku guuleyisga koobka aduunka.

Halyayga xulka qaranka Argantina ayaa wuxuu u sheegay “Omnisport” kahor inta aan la gaarin koobka aduunka: “Waxaan kula talinayaa Messi inuu sii wada kubada cagta isla markaana uu ku raaxeysto, iskana ilaawo dhammaan kuwa dhaleeceeya haddii uu ku guuleysto Koobka Adduunka ama hadii uusan ku guuleysanin, waa inuusan wax muujin, waa inuu ordaa uu kubada ku raaxeystaa”.

“Waxaan qabaa inay haystaan fursad wanaagsan oo ay ugu guuleysan karaan koobkan, laakiin uma dooran Argantina xulalka ugu cad cad ee tartankan ku guuleysan kara, sababtoo ah murashaxa ugu cad cad xili kasta kuma guuleysto koobka”

Xulka qaranka Argentina ayaa Group D kula ciyaari doonta Iceland, Croatia iyo Nigeria kadib marka uu koobka aduunka ka furmo 14-ka bishan dalka Russia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close