Jurgen Klopp oo door biday inuu sii joogo kooxda Liverpool halka uu ka noqon lahaa badalka Zidane

(Liverpool) 02 Juunyo 2018. Real Madrid ayaa qeyb kaga soo dhigatay Jürgen Klopp qorsheha macalimiinta ay dooneyso in ay ka dhigato badalka Zinedine Zidane oo si layaab leh isaga casilay shaqada tababarka ee Los Blancos.

Wargeysyada caalamka ayaa waxay baahiyeen in jamaahiirta kooxda Real Madrid ay xiiseenayaan in maamulka kooxda Real Madrid ay lasoo saxiixdaan tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp.

Los Blancos ayaa lala xiriirinayaa magacyada dhowr macalimiin eek ala ah Guti, Mauricio Pochettino, iyo Jürgen Klopp.

Wargeyska Ingariiska ka soo baxa “Mirror” ayaa ka nixiyay taageerayaasha Real Madrid isagoo xaqiijiyay in macalinka Jarmalka ah ee Jürgen Klopp uu doonayo inuu sii joogo Liverpool, islamarkaana uusan ka tagi dooninin kooxda Reds, xitaa hadii uu noqonayo badalka Zinedine Zidane si uu u leeliyo kooxda Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close