Halyayga kooxda Liverpool Dietmar Hamann: “Mohamed Salah wuxuu ka duwan yahay Suarez iyo Coutinho”

(Liverpool) 02 Juunyo 2018. Xidigii hore khadka dhexe kooxda Liverpool iyo kubada cagta dalka Germany Dietmar Hamann ayaa wuxuu ka halday suurtagalnimada uu Mohamed salah kaga dhaqaaqi karo garoonka Anfield xili ciyaareedka cusub.

Salah ayaa kadib bandhigii cajiibka ahaa uu ka sameeyay kooxda Liverpool waxaa si xoogan lala xiriirinayay ku buurista kooxda Real Madrid.

Dietmar Hamann ayaa u sheegay “CalcioMercato” ee dalka talyaaniga: “Ma filayo in I Salah uu raaci doono wadadii Suarez iyo Coutinho”.

“Ciyaartoyda Koofurta America, ku biirista kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ma jiraan wax kaga weyn, sababa la xiriira in ay isku daqan yihiin”.

“Ma aanan la kulmin Salah hada kahor, lakiin waxaa la ii sheegay inuu u muuqdo inuu yahay qof jecel in qof kasta ay jecleysato sida Jürgen Klopp oo kale”.

Waxaa xusid mudan in Coutinho iyo Suarez ay ka tageen kooxda Liverpool, sidoo kale waxay u dhaqaaqeen isla kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close