Cristiano Ronaldo oo dalbaday mushaar waali ah si uu u sii joogo kooxda Real Madrid

(Real Madrid) 02 Juunyo 2018. Cristiano Ronaldo ayaa ku xiray shuruud adag kooxda Real Madrid si uu u sii joogo  garoonka Santiago Bernabéu.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa wuxuu ku war galiyay maamulka kooxda Real Madrid in ay ka dhigaan xidiga ugu mushaarka badan aduunka si uu kaga sii mid ahaado safka Los Blancos.

Wargeyska caanka ah ee “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuua shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo uu u sheegay maamulka kooxda in mushaarkiisa sanadlaha ah laga dhigo aduun dhan 80 million euros, si uu u badalo go’aankiisa.

Wararka ayaa wuxuu intaas kusii darayaan hadii uu ogolaado madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Pérez, dalabkan cusub ee ka yimid Cristiano, wuxuu dib u habeen ku sameyn doonaa xisaabtiisa, sababtoo ah mushaarka cusub ee Ronaldo wuxuu ka dhignaan doonaa 60% mushaaraadka kooxda.

Wargeyska ayaa ku soo gunaanaday hadalkiisu in Ronaldo uu haatan mushaar ahaan sanadii u qaato 21 milyan euro sanadkiiba, taas oo aan la aqbalin xilligan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close