Barcelona oo hormar ka samaynaysa heshiis kordhinta Samuel Umtiti

(Barcelona) 02 Juunyo 2018 Barcelona ayaa u muuqata mid ku sii dhawaanaysa inay ku qanciso Samuel Umtiti inuu kooxda u saxiixo heshiis cusub.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay heshiis cusub hordhigtay wakiilka Samuel Umtiti isbuucii hore kaas oo ay kor ugu qaadayso mushaarkiisa.

Barcelona wali ma gaarsiin mushaarka uu doonayo Samuel Umtiti ee ah in lala simo Busquets iyo Pique, laakiin mushaarka haatan uu ka qaato kooxda ayaa kor loo qaaday.

Wakiilka Samuel Umtiti ayaa shalay u duulay dalka France si uu ugu gudbiyo laacibka dalabka cusub ee Barcelona iyo sida uu u arko.

Waxaana la ogsoon yahay in wakiilka Samuel Umtiti uu doonayo in laacibku uu sii joogo Barcelona isla markaana uu saxiixo heshiiska cusub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close