Alisson Becker oo ogolaaday inuu ku biiro kooxdaan

(Roma) 02 Juunyo 2018 Goolhayaha xulka Brazil iyo kooxda Roma ee Alisson Becker ayaa doortay kooxdii uu ku biiri lahaa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Alisson Becker ayaa diirada u saaran kooxo badan sida Liverpool, Real Madrid, Chelsea iyo PSG kadib qaab ciyaareedka wacan ee uu ku soo bandhigayo kooxdiisa Roma.

Marca ayaa baahisay in goolhaye Alisson Becker uu doortay ku biirida kooxda Real Madrid taas oo hogaanka u haysa kooxaha doonaya saxiixiisa.

Alisson Becker ayaa dalabyo kala duwan ka helaya Liverpool, Chelsea iyo PSG laakiin wuxuu doorbidayaa inuu u dhaqaaqo Real Madrid.

Wuxuu ka faa’idaysanayaa bixitaankii tababare Zidane kaas oo markii hore diidanaa in Alisson Becker uu yimaado Real Madrid.

Roma ayaa u qoondaysay inay ku iibiso Alisson Becker lacag dhan 50 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close