Alisson Becker oo xiiseenaya u dhaqaaqista Real Madrid marka loo fiirio kooxaha kale ee daneenaya saxiixiis

(Roma) 02 Juunyo 2018. Goolhaayaha xulka qaranka Brazil iyo kooxda AS Roma Alisson Becker ayaa wuxuu doonayaa inuu u dhaqaaqo Real Madrid, wuxuu door bidayaa inuu ka ciyaaro garoonka Santiago Bernabeu, hadii uu go’aansado inuu ka dhaqaaqo kooxda Roma ee dalka Talyaaniga.

Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu xaqiijiyay in Alisson Becker uu ugu ifiyay tooshaka madaxda kooxda Real Madrid fursad ay ku heli karaan saxiixiisa suuqa xagaaga.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in sidoo kale Alisson Becker uu ka helayo dalabyo kala duwan kooxaha qaarada yurub sida Liverpool Chelsea iyo Paris Saint-Germain. Bale wuxuu eeganayaa dalabka kooxda Real Madrid.

Fursada uu u heysto inuu ku biiiro Real Madrid ayaa ah mid ka fiican sidii hore, kadi markii uu shaqada iska casilay macalinka reer France ee Zinedine Zidane shaqada uu ka hayay garoonka Santiago Bernabéu Stadium.

Wargeysyada gudaha talyaaniga ayaa waxay tilmaamayaan in ay suuragal noqon karto in qiimaha Alisson Becker ay ku fasixi karto kooxda Roma uu gaaro 100 million euros, xili ay kooxda reer talyaani horey isaga soo diiday aduun dhan 70 million euros si ay u fasaxdo goolhaayaha reer Talyaani.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close